Baarlamaanka Carabta oo war weyn ka soo saaray xaaladda Soomaaliya iyo Itoobiya fariin adagna u diray Addis Ababa

Baarlamaanka Carabta ayaa diiday faragelinta lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxayna uu carabka ku adkeeyeen in la ixtiraamo madax banaanida Soomaaliya, loona hogaansamo xeerarka iyo mabaadiida deris wanaagga.

Baarlamaanka Carabta ayaa si buuxda u diiday isku dayga lagu xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka dalbaday Itoobiya inay ilaaliso qawaaniinta iyo mabaadi’da deris wanaagga, ixtiraamto madax-bannaanida dalalka, ayna faragelin arrimahooda gudaha. , si loo gaaro amni iyo xasilooni ka dhalata gobolka.

Baarlamaanka Carabta ayaa caddeeyay in Soomaaliya amnigeeda, xasilloonideeda iyo ixtiraamkeeda madax-bannaanideeda ay qayb muhiim ah ka tahay amniga qaranka Carabta, iyagoo hoosta ka xariiqay in Baarlamaanka Carabta uu taageersan yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidii ay u qaadi lahayd tallaabooyin sharci ah oo ay ku ilaalinayso xasilloonideeda iyo madax bannaanideeda qaran ee dhammaan dhulalka ay maamusho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed