Axmed Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo tagay furimaha hore ee dagaalka kuwaas ka baxsan Ceelbuur

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa tagay  furimaha hore ee deegaannada magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmo kahor laga saaray kooxda Al shabaab.

Safarka Qoor Qoor iyo wasiirka gaashaandhigga  ayaa ujeedkiisu ahaa u kuur gelidda ciidamada dolwadda iyo sidoo kale deegaannadii laga xorreeyay Al shabaab, dhanka kale waxay kulamo la qaateen saraakiisha dolwadda ee ku sugan furimaha hore, kuwaas oo ka hadlay dardar gelinta howlgallada in la sii kordhiyo.

Goobta ayey ka sheegeen in ay garab taagan yihiin ciidamada dowladda, isla markaana loo baahan yahay in aanan la lumin goobaha istaraatiijiga ah, lagana difaaaco weerarada ururka Al shabaab, iyaga oo intaas raaciyay in dhawaan ay tagi doonaan deegaannada kale ee Al shabaab gacanta ku hayaan, oo haatan uu socdo u diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

Booqashadan ayaa dabo socoto hadalkii xalay uu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddanaa in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeyso.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed