Axmed Madoobe oo Fariin u diray Somaliland dagaalka Laascaanood.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka  Jubaland ayaa ka hadlay dagaalka Dheeraaday iyo xiisadda ka taagan magalaada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ku dagaalamayaam Ciidanka deegaanka iyo kuwa Somaliland.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ayaa ka dhawaajiyay nasiib darro weyn dagaalka Laascaanood, isaga oo sheegay in xal lagu waayay wada-hadal uusan ku imaan karin dagaal iyo xabad joogto ah, taasina dhibaato ku tahay dadka deegaanka.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in wax laga xumaado ay tahay in dagaalka ay Somaliland ku qaaday gobolka Sool, kaas oo laga baaqsan karay, asiga oo eed u jeediyay Muuse Biixi taas oo ku aadan masuuliyadda dagaalka iyo khasaaraha ka dashay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in wax laga barto wixii horay u dhacay, lana raadiyo fursad wada-hadal xal looga gaaray dagaaalka, asiga oo ka dhawaajiyay in aysan jirin lagu qasbi karo wax aysan rabin, gobolka Soolna loo daayo aayihiisa in uu ka tasho si madax bannaan.

Madaxweynaha Jubbaland aya ku dheeraaday dagaalka Laascaanood, asiga oo si gaar ah ugu eedeyay bilaawga dagaalka iyo wixii ka dhashay Somaliland, waxaa ugu baaqay in ay raadiyaan xal aan aheyn dagaal iyl xabad.

Hadalkan Madaxweynaha Jubland ayaa imanaya iyada oo wili duleedka Laascaanood ay isku hor-fadhiyaan Ciidanka deegaanka gobolka iyo kuwa Somaliland, waxana fashilmay baaqyo caalami ah iyo kuwa gudaha ah ee ku aadan joojinta colaada Laascaanood.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed