Axmed Madoobe iyo Ergeyga QM oo Qaabilsan Soomaaliya oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Al-shabaab iyo Arrinta Gobolka Gedo.

MADAXWEYNAHA OO QAABILAY WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland  Axmed Madoobe iyo  Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing ayaa maanta kulan ku yeeshay Madaxtooyada Jubbaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha amniga iyo bilowga Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab oo diyaar garoowgiisu uu maraya meel gabo gabo ah, xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo gaarsiintaa gargaarka dadka ku tabaaloobay masiibooyinka dabiciiga ah,  isbadalka cimilada aduunka iyo arrimo kale.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday heshiiska Golaha  Wadatashiga Qaranka ee dalka loogu jiheeyay Doorashooyin dadweyne Sanadka soo socda iyo tageerada beesha Caalamka ee dhinacyada kala duwan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha uga mahad celisay soo dhawaynta diiran ee ay kala kulantay Dowlada Jubaland iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay timaado Jubaland oo ay ugu danbaysay sanadkii 1992dii isla markana ay ku aragtay isbeddelo badan oo dhinaca hormarka.

Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay  in dagaalka Al-Shabaab Wajiga labaad si fiican loogu diyaar garoobayo isla Markana dhawaan laga bilaabo deegaannada Maamulkaasi.

Madaxweynaha Jubaland ayaa ka ka hadlay xaalada gobolka Gedo oo ay  Jubaland diyaar u tahay in wixii kala aragti duwanaan siyaasadeed lagu dhameeyo wada hadal balse uuna jirin khilaaf u dhexeeya dadka Deegaanka iyo Dowlada Jubaland dadkuna ay soo dhaweeyeen maamulkii dhawaan la magacaabay isla markana caqabada gobolka ay salka ku hayso dhibaatada uu abuuray dowladdii hore.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed