ATMIS qorsheyneyso in 3,000 oo askari ay Soomaaliya kala baxaan iyo sidii ciidamada dowladda loogu wareejin lahaa saldhigyada

Madaxda Ciidamada  ATMIS ee Soomaaliya ayaa sheegay  in ay qorsheynayaan sidii dhimis loogu sameyn lahaa ciidamadeeda ka howgala Soomaaliya dhammaadka sannadkaan 2023, iyaga oo  ka shaqeynaya sidii looga saari laha wajiga 2aad ee hannaanka ay ku baxayaan ciidankooda, iyada oo bishii June wajiga 1aad ay baxeen 2,000 oo askari.

Madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef oo booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee Jubaland, ayaa kulan la yeeshay madax kala duwan oo ka sooctay Qaramada Midoobay iyo ATMIS waxayna ka wada hadleen arrimo kale duwan oo ay kamid yihiin hannaanka farsamo ee loo wajahayo dhimista Ciidamada ATMIS, dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo sidoo kale arrimo kale oo xasaasi ah.

Farsamooyinka ka soo baxay kulankaas iyo kulamo kale oo farsamooyin loo dib dhigay ayaa lagu qiimeyn doonaa sidii 3,000 oo aksari looga saari lahaa Soomaaliya bisha Sebtember ee soo aaddan, markaas oo la qorsheyay in ATMIS ay la baxdo ciidankaas, iyada oo saldhigyada ay ka baxaan lagu wareejin doono ciidamada dowladda Soomaaliya.

Bishii June ee sannadkaam  ATMIS ayaa Soomaaliya kala baxday 2,000 oo askari, kuwaas oo saldhigyadii ay ka baxeen lagu wareejiyay ciidamada ammaanka Soomaaliya, saldhigyadaas ayaa gaarayay ilaa lix qeybood.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed