ATMIS oo wareejisay saldhigyo cusub oo ku yaalla Shabeelaha Dhexe wajiga labaad ee dhimista ciidankooda Soomaaliya

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maalinti axadda ahayd bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya, iyadoo lagu wareejiyay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Saldhigga Bio Cadale ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Saldhigga Biyo Cadale oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana hoos yimaada mas’uuliyadda ciidamada ATMIS ee Burundi (BNDF) ayaa ah mid istaraatiiji ah, maadaama ay tahay furinta difaaca ee magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Munaasabadda wareejinta Saldhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Hawlgalka ATMIS, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.

Taliyaha Saldhigga Biyo Cadale ee ATMIS, Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in wareejinta mas’uuliyadda amniga ay cadeyn u tahay hoggaanka Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, ilaalinta shacabka, iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.

Wuxuu intaas ku daray, “In ay Ciidamada Amaanka Soomaaliyeed oo si xirfad leh u tababaran oo si wanaagsan u qalabaysan ay yihiin kuwa wax ka beddelaya dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Saldhigga Biyo Cadale, Saddex Xidigle Axmed Cali Taakow, ayaa saxiixay warqadaha wareejinta ee Saldhigga, taas oo cadayn u ah wareejinta mas’uuliyadda amniga, waxaana goob joog ka ahaa wakiil ka socday Xarunta dhexe ee Hawlgalka ATMIS, Gaashaanle Dhexe Edouard Nzohabonayo iyo, Madaxa UNSOS ee unugga Qorshaynta Kala-guurka, Patrick Duah, iyo Taliye Ku-xigeenka Waaxda Hawlgallada ee CXDS, Gaashaanle Muxudiin Axmed.

Intii ay wareejintu socotay ayaa hay’adda UNSOS oo ATMIS ka taageerta dhanka saadka aya waxa ay sidoo kale ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qalab ay Qaramada Midoobay leedahay oo ay ka mid yihiin, Matoor, Warshadda biyaha sifeysa, baalayaasha cadceedda, ceelal riig ah, talaajado, qaboojiyaal, iyo haamaha kaydka biyaha iyo agab kale.

Dhimista Ciidamda ATMIS aya imaanaysa kadib Qaraarradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay: 2628 (2022), 2670 (2022), iyo 2687 (2023), oo faraya ATMIS in ay ka soo saarto Soomaaliya laba kun oo askari marka la gaaro Juun 2023-da iyo saddex kun oo kale dhamaadka Sebtembar 2023-da.

Wajigii kowaad ee lagu guulaysta ee dhimista ciidamda ATMIS ayaa dalka laga saaray 2000 oo askari, laguna wareejinta lix Saldhig bishii Juun 2023-da.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed