ATMIS oo war ka soo saartay qof rayid ah oo ay shalay toogteen iyo baaritaanno la xiriira kiiskaas oo ay soo gashay dowladda Soomaliya

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo kuwa Nabad Suggida Somaliya, ayaa bilaabay baaritaano ku aadan dhacdadii shalay ka dhacday iridka Madiino Gate ee laga galo xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay nin rayid ah, laguna dhaawacay askari ka tirsan ciidamada ATMIS.

Ciidamada ATMIS ayaa tooktay nin dhalinyaro, kahor inta uusan tooreey ku weerarin askari kamid ah kuwii sugayay ammaanka goobta.

Howlgalka ATMIS ayaa bayaan uu soo saaray , ku macneeyay in nin aan la aqoonsan uu isku dayay in uu galo xarunta Xalane, oo ay degan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah (ATMIS) iyo xafiisyada Qaramada Midoobay (UN), iyadoo aan la marin baaritaanka ammaanka ee qasabka ah in laga galo.

Askariga dhaawaca culus ka soo gaaray shilkan ayaa loo qaaday isbitaalka heerka 2-aad ee ATMIS ee magaalada Muqdisho, waxaana hadda lagu daweynayaa daryeel caafimaad.

ATMIS waxay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay inay hubiso badbaadada iyo ammaanka shaqaalaha iyo dhammaan shakhsiyaadka inta badan ka shaqeeya xerada saldhigga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed