ATMIS oo shaacisay tirada saldhigyada ay ku wareejisay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo magaalooyinka ay ku yaalaan

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen 9 saldhig oo ciidan, taasi oo ka dhigan in la soo gabagabeeyay wajigii labaad ee ka bixitaanka ciidamada ee dalka.

Todobo ka mid ah sagaalka saldhig ee ciidamada ayaa Isniintii lagu wareejiyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayuu Atmis ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saartay.

“Tirada 3,000 oo Askari iyo wareejinta 7-da Xarumood ee lagu dhisayo Biyo Cadale, Raaga-ceel, Baarlamaanka, Guriga Madaxweynaha, Qorilow, Buurhache, iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ENDF waxay astaan ​​u tahay marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya lagu sugayo amniga. ” ayey tiri Atmis.

Sida laga soo xigtay Atmis, laba saldhig oo kale oo militari oo la xiray ayaa kala ah Sarille iyo Old Airport KDF.

Agaasimaha maamulka khilaafaadka ee waaxda siyaasadda, nabadda iyo amniga ee guddiga Midowga Afrika, Alhaji Sarjoh Bah oo ka hadlay munaasabadda Muqdisho ayaa sheegay in dhimistaasi ay muujineyso hiigsiga wanaagsan ee Soomaaliya.
Bah ayaa sheegay in dhimistaasi ay sidoo kale cadeyn u tahay horumarka xasaasiga ah ee ay Soomaaliya ku talaabsatay tan iyo bishii May ee sanadkii 2022-ka oo uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay muujiyeen geesinimo iyo adkeysi aan caadi aheyn oo ay ku wiiqayaan awooda Al Shabaab, taasi oo qeyb ka ah horumarka joogtada ah ee ciidamada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed