Faahfaahin Weerer Khasaare badan Dhaliyay oo lagu qaaday Ciidamada Uganda

Qaramada Midoobay ayaa war ka soo saartay wareer culus oo lagu qaaday ciidanka ATMIS ee ku sugnaa magaalada Buulamareer ee gobolka Shabeelada Hhoose, weerarkaas ayaa waxaa ka dambeeyay Al Shabaab, waxana ka dashay khasaaro xooggan oo iskugu jiro dhimasho, iyo dhaawac soo gaaray Ciidanka Uganda oo saldhigyo kulahaay gobolkaas.

Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay Csaba Kőrösi bayaan uu soo saaray ayaa ku cambaabreeyay weerarkaasi, asiga oo sheegay in ay uga xun yihiin  dhibaatada soo gaartay ciidankii lagu weeraray magaalada Buulamareer ee gobolk Shabeelada Hoose.

Dhanka kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in howgalka ATMIS in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyanayaan dolwadda Soomaaliya ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab,

Dhaq-dhaqaaqa Al shabaab ayaa shaaciyay in weerarkii magaalada Buulamaeer ay ku dileen ciidan 137 kuwaas oo ka tirsan howgalka midawga Afika ee ATMIS, iyaga oo dhan kale sheegay in qaateen saanad ciidan, sidoo kalana ay gubeen gawaari dagaal, majirto cid ka madax banaan sheegashada Al shabaab ee ku aadan weerarkaas.

Faah faahino ka soo baxaya magaalada Buulamareer oo ay weerarku ku qaadeen Al shabaab ayaa sheegaya in la bililiqeystay hantidii taalay Xeryihii Ciidanka Uganda, waxaa la sheegay in dad badan oo shacab ah oo duganaa magaalada ay galeen saldhigyada kadibna ay qaateen wixii yaalay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed