ATMIS oo Faah faahisay Saldhigo ay ku wareejiyeen Ciimada dowladda Soomaaliya.

Howgalka Ciimada ATMIS ee Soomaaliya ayaa sheegtay  in ku dhawaad 10 saldhig ay ku wareejiyeen Ciimada dowladda Soomaaliya,  kuwaas si buuxdo ula wareegay.

Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa ka dhawaajiyay Ciimada dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyeen 7 saldhig, kuwaas la wareegay ammaanka goobahaasi, oo in muddo ah ay ku sugnaayeen kuwa ATMIS.

Dhawaan howgalka ATMIS ayaa bilaaya bishii hore dhimista 2,000 ii Askari, kuwaas oo qeyba ah qaraar ka soo baxay QM bilaawgii Sannadkaan.

 Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souefayaa  oo shir jaraaid ku qabtay Xalane, ayaa sheegay todobada Saldhiga ay wareejiyeen loo qoondeeyay in la wareejiyo si ay suuragasho dhimista Ciidama Nabad ilaalita Soomaaliya u jooga ee ATMIS, kuwaas oo tiradooda ay gaarayaan 2,000 oo Askari.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka ee Qamada Midoobay ayaa ku hishiiyay dhimista Ciimada ATMIS, kuwaas oo lagu wado in 2024 ay gabi ahaanba ka baxaan Soomaaliya, waxana la wareegi doono ammaanka goobaha ay ka bayaxaan Ciimada dowladda Faderaalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed