ATMIS oo Dhimeyso Ciidankooda Soomaaliya Bisha Juun.

Ciidanka Nabad Ilaalinta u joogo Soomaaliya ee ATMIS oo dhimaya Ciidankooda sida Lagu shaaciyay Barahooda xiriirka bulshada maanta.

Howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in diyaar garowga dhimista 2000 oo askari marka la gaaro 30ka Juun 2023 uu marayo heer horudhac ah.

Tallaabadan ayaa waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670 kaasoo faraya in ATMIS laga dhimo 2000 oo askari dhammaadka bisha June ee sanadkan, laguna wareejiyo ammaanka goobihii lagu heshiiyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine, ayaa sheegay in guddi farsamo oo wadajir ah oo ay xubno ka yihiin daneeyayaasha ay ku jiraan Dowladda Federalka Soomaliya iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo ATMIS ay isla garteen kuna heshiiyeen, Xeryaha Furiimaha Hore (FOBs) ee ATMIS oo lagu wareejin doono Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ama gebi ahanba la xiiri doono.

 

Madaxa ATMIS oo booqasho rasmi ah ku tagay xarunta ATMIS ee qeybta 5-aad ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in iyadoo ATMIS ay dhimeyso tirada askarta ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya, ay hadana Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya kordhin doonaan tiradooda si ay ula wareegaan goobaha ay ATMIS ku wareejineyso.

Ku-simaha Abaanduulaha Ciidamada ATMIS, Sareeye Guud Marius Ngendabanka, oo booqashada shaqo ee magaalada Jowhar ku wehlinaayay Madaxa ATMIS Danjire El-Amine, ayaa sheegay in awaamiirta hawlgalka la soo saaray, isla markaana Guddiga Farsamada ee isku dhafka ay u qorshaysatahay in ay kasoo baxaan hawshan ilaa waqtiga kama dambaysta ah ee 30ka Juun.

Ku-simahu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhimista 2000 oo askari ee ATMIS aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin ammaanka xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo xarumaha waaweyn ee dadweynaha haddii ay ciidamda Soomaliya la wareegaan.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed