ATMIS Oo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Ku Wareejiyay Saldhigii Qorillow Ee Maamulka Hirshabeelle

Horumarrada dhanka amniga ah ee ka socda Soomaaliya marka la eego, ayaa maanta oo Arbaca ah Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Saldhigga hore ee (FOB) ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Qorilow FOB oo horey u ahaan jiray taliska ciidamada Burundi ayaa goob joog ka ahaa xil wareejinta rasmiga ah ee Taliyaha ATMIS Qorilow FOB Lt Col. Jean Baptiste Nahishakiye oo xilka kala wareegay taliyihii ciidamada  gobolka Haaruun Xasan.

ATMIS oo hadal kooban ka jeedisay xafladda ayaa sheegay in xafladda uu guddoominayay madaxa qorsheynta ciidamada ATMIS Col. George Nkash ay ka soo qeyb galeen madax muhiim ah oo uu ka mid yahay madaxa ATMIS ee Xarunta Taageerada Wadajirka ah (JSOC) Sekou Trawally, La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Qaramada Midoobay, Xafiiska taageerada Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa noqoneysa wajigii labaad ee ATMIS-ka oo hoos u dhacay, kaasoo ku lug lahaa in laga saaro 3,000 oo askari, taasoo qeyb ka ah guud ahaan Hindisaha kala guurka ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qayb ka ah xil wareejinta la isku dubariday si isbedel joogto ah oo waara loogu sameeyo mas’uuliyadaha amniga ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed