ATMIS oo bilaabeysaa dhimista wajiga labaad ee ciidankooda Soomaaliya

Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dib u bilaabo wajiga labaad ee ka bixitaanka cidamadood aku sugan Soomaaliya todobaadka soo socda.

ATMIS ayaa sheegtay in ay dhimi doonto 3,000 oo dheeraad ah oo ay ka saari  doonto joogitaanka ciidamadeeda Soomaaliya, ayna ku wareejin doonto dhowr xarumood oo millatari oo ay gacanta ku hayso ammaanka Soomaaliya marka la gaaro 31-ka December.

“Tani waxay astaan ​​weyn u tahay hannaanka socda ee mas’uuliyadda amniga looga wareejinayo ATMIS-ka laguna wareejinayo Soomaalida,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay ATMIS oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxay sheegtay in dhimistani ay waafaqsan tahay awaamiirta War-murtiyeedka Midowga Afrika iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2710 (2023).

Wajigii koowaad ee dhimista, oo lasoo gaba gabeeyay bishii June, ayaa ATMIS waxa ay kala baxday 2,000 oo askari, waxaana lagu wareejiyay 7 Milatari oo ay maamuli jireen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, sida uu dhigayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687 iyo 2670.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed