Arrinta Soomaaliland oo kulan Ku Saabsan Oo Looga Hadlay Muqdisho.

Ergayga Gaarka ah Arrimaha Somaliland  Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub Mrs Tiina Intelmann oo ay ka wadahadalleen sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Somaliland.

Ergayga ayaa Safiiradda uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somaliland.

Dhankeeda Mrs Tiina Intelmann ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed