Aroos Hees La Shiday U Burburay

Inkastoo guurku marar aanu u hirgalin sidii qorshuhu ahaa, haddana maalinta arooska waa maalin gaar ah oo xusuus huwan, inkastoo ay ku lamaansan tahay hubanti la;aant ku aadan waxa dhici doona mustaqbalka.

Laakiin taasi ma aheyn xaaladda lamaane ku nool magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaw kuwaasi oo furinkoodii uu noqday kii ugu deg dega badnaa, ka dib markii arooskii loo fadhiyey farxadiisa uu isku badalay asharaaraq iyo af gacan saar ay u sii dheer tahay yaab iyo amakaag.

Xaaladu waxay is beddashay markii caruuskii uu ku dhawaaqay in xafladu xiran tahay lana joojiyo mashxarada iyo farxada isla markaana xaaskiisa ay ka furan tahay. Yaab iyo amakaag ayaa goobtii ka dhacay, waxaana qof kastaa uu afka u dhaweeyey qofkii uu ku dhawaa isagoo su’aalaya waxa qaldamay iyo waxa dhacay.

Arintu waxay cirka isku shareertay ama dhaliyey xiisada lamaanaha ka dhex curratay ka dib markii caruusadu ay dalbatay in loo shido si ay u qaado heesta Mesaytara ee ay ku luuqayso fanaanada reer Suuurya Lamis Kan.

Heesta ay caruusadu dalbatay in loo qaado ayaa waxaa miraheeda ka mid ahaa “Anigaa ah taliyaha”

“Si adag ayaan kuugu talin doonaa oo gacanteyda ugu jiri doontaa“

“Balaayo ayaan kugu dhigi doonaa haddii aad naag kale aad eegto Haa waxaan ahay taliye“ “Anigaa ku leh” “Ilaa iyo inta aad ila nooshahay waxaad ku hoos socon doonta xukunkeyga “ Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa soo tabisay in markii heesta la shiday caruusadii ay bilowday in ay heesta la qaado fanaanada ayna bilowday in ciyaarto qoob ka ciyaar, laakiin caruuska iyo qoyskiisa ayaa arinkaasi u qaatay mid gardaro iyo xadgudub ah, waxaynta taasi dhalisay in halkaasi uu ka dhaco muran keenay ugu dambeyntii in xafladii guurka isku badasho xaflad furiin.

Ma ahaneyn markii ugu horreysay ee heestani burbur iyo muran ka dhexdhaliso lamaane arooskoodii loo dabaaldegayo, sanadkii hore ayaa qisdan oo kale waxay ka dhacday dalka Jordan markaas oo caruuskii uu si deg deg ah ku furay caruusadii ka dib markii ay arooska ka shiday heesta.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed