Aqalka Sare oo maanta la horgeeyay Hindise Sharciyeed muhiim ah kaas oo ka soo gudbay Golaha Wasiirrada iyo Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ooy wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 5-aad ee Golaha Aqalka Sare oo
ajandihiisu ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare dulmar guud ugu sameeyay sharciga Hantidhowrka Guud ee Qaranka, waxyaabaha uu sugayo iyo muhiimaddiisa.

Intaas ka dib, Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray, wuxuuna Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare faray inay ka howl galaan Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, kana gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran isla markaana fadhiga guud ee Golaha ay dib ugu soo celiyaan.

Horay 135 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ogal ugu codesay halka ay diiday 3 Xildhibaan Waxaana ka aamustay 4 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Abshirow oo kulankaas shirguddoomiyey 16 August 2023 ee sannadkaan.

 HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed