Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeed Muddo La Sugayay.

Muqdisho (Hbn tv)-Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha, Sharcigaan ayaa horay loogu soo gudbiyay Golaha Aqalka Sare, Maanta ayaa qalinka lagu jiiday.

Arrintaan ayaa ka dhigan tahay in qof waliba qasab ay tahay inuu qaato kaarka aqoonsiga (National ID), waana  Markii ugu horeysay Soomaaliya si rasmi ah ugu dhawaaqdo.

Tani ayaa noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helista dhibaatada aqoonsi la’aanta, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, iyo la falgalka hey’adaha dowladda.

Tallabadaan ayaa noqon doonto in qof walbe Xogtiisa oo buuxdo ay dowladdu heli doonto.

Wasaaradda Arrimaha guduha dowladda Soomaaliya, ayaa waxay qorshaynaysaa sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan.

Hindise sharciyeedkan, ayaa waxay golaha shacabka meelmariyeen Bishan March 1-geedii, sanadkan 2023, halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen.

Dhanka kale Golaha aqalka  sare ayaa isla maanta ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashiga Iyo Maalgashatada.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed