Amar Culus oo La Duldhigay Deegaannada Al Shabaab ay Kaga Sugan Yihiin Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo xayiraad saaray deegaannada ay Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolka, gaadiiidka kala duwan ee ka howlgalla deegannaas ayaa la dul dhigay amar culus iyo digniin.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay gaadiidka ka shaqeyo Baladweyne iyo Buulaburde oo ah Al shabaab ku sugan yihiin in aysan u qaadi karin wax sahay ah sida raaashinka iyo Shidaalka.

Sidoo kale deegaannada gaadiidka laga mamnuucay waxaa kamid ah kuwa dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle, oo la aaminsan yahay in Al shabaab loogu gudbiyo Saadka iyo Sahayda.

Amarkaan uu bixiyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee ku aadan in aanan la aqbali doonin  k gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin iyo  shidaal sida kaas oo u safraya deegaanada ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulaburte in la joojiyay.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyada oo gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgallo dhan walbe ah oo Al shabaab looga xorreynayo guud gobolka.

Ugu dambeyn Cali Jeyte ayaa caddeyay in gaarigii aanan u hoggaansamin amarkaan ee lagu qabto asiga oo wado Raashin iyo Shidaal in lala wareegi doono kana mid noqon doono hantida dowladda.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed