Al-Shabaab ooweerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool

Dagaal culus ayaa gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya maanta oo Axadda ah.

Dagalyahanno  ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday laba kolonyo ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya oo ka yimid Yeed iyo Ceelbarde, waxayna ku sii jeedeen degmooyinka Waajid iyo Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Weerarkaas ayaa sababay dagaal xooggan oo labada dhinac ah, kuwaas oo isku adeegsaday hub culus oo laga maqeelay deegaanka, waxana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Itoobiya ee ku sii jeeday degmada Waajid, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Saraakiisha gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaalka uu socday in muddo, inkastoo aysan faah faahin dheeraad ah ka bixin, khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay, iyaga oo ka gaabsaday arrintaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa meel ku dhow degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya iyo dowladaha deriska la ah Soomaaliya, iyagoo beegsanaya dadka rayidka ah, dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Bishii Agoosto 2022, Maxamuud wuxuu bilaabay “dagaal guud” oo ka dhan ah al-Shabaab. Wajigii hore ciidamada Soomaaliya ayaa isku uruursaday gobolada dhexe ee Hirshabeelle iyo Galmudug, iyagoo taageero ka helay beelaha deegaanka ee ka soo horjeeda Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed