AL-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhigyo horay uga baxeen ciimada ATMIS

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, weerar la sheegay in Al-shabaab  ay weerar ku qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo, halkaas oo dhawaan ay ka baxeen Ciidanka ATMIS, goobjoogayaal ayaa sheegay in deegaanka Geriley ay kooxdu  weerar ku qaadeen, horay ciidanka Kenya ayaa ugu wareejiyay kuwa dowladda.

naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Talaadadii shalay uu weerar ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaanka Geriley oo ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda.

Dhawaaqa dagaalka ayaa laga maqlay guud ahaan deegaanka, kaas oo dhexmray Ciidanka dowladda kuwa Jubaland oo dhinaca iyo Ururka A-shabaab, waxana ka dashay khasaaro kala duwan oo sooo gaaray labada dhinaca, inkastoo aanan si rasmi ah loo shaaci.

Ilaa iyo hadda dhinacadii dagaalamay wax war ah kama aysan soo saarin dagalkaas, dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciimadii dowladda ay ku sugan yihiin deegaankii lagu dagaalamay, kuwaas oo iska caawiyay weerarkii ay soo qaadeen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed