Al shabaab oo Weerar Ku qaaday Ciidanka dowladaa Gobolka Baay.

warar aan helnay ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab  dagaal Culus uu ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Baay, waxana ka dhashay khasaaro kala duwan ee ka dhashay dagaalka

Deegaanka Makuude oo dhanka koofurta kaga beegaan  magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, Dagaalka ayaa muddo socday waxana la maqlay dhawaqa hubka guud ahaan deegaanka.

Al shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku soo qaadeen deegaanka oo ay ku sugnaayeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koofur galbeed khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac aya ka dhashay dagaalka balse tirada rasmiga ah lama xaqiijin.

Abaanduulaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan.

Ciidanka dowladda ayaa ku sugan haatan goobihii lagu dagaalamay sida ay sheegaan saraakiil ka tirsan ciidanka kuwaas oo la hadlay Warbaahinta gudaha.

Isbuucyadii la soo dhaafay Xarakada Al shabaab ayaa weerar kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladaa iyo deegaanka ay ku leeyihiin Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed