Al-shabaab oo weerar ka fuliyay gobolka Baay.

Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas xalay kooxda Al-shabaab ay ka fuliyeen weeraro kale duwan oo sababay khasaaro kala duwan.

Weerarada Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyo ciidamada daraawiishta ay ku lahaayeen deegaanno hoostaga magaalada Baydhaba, gaar ahaan Makuundo, ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab soo qaadeen ay is caabbiyeen Ciimada Koofur Galbeed, waxana dhacay dagaal taas oo ah, balse goobtii lagu dagaalamay waxaa gacanta ku haya Ciidamada maamulkaasi.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ka dhacay gobolka Baay, majirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed ee ku aadan dagaalkaas.

Al-Shabaab iyo Ciimada dowladda ayaa maalmihii la soo dhaafay  waxay ku dagaallaameen deegaanno ka tirsan Kuufurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed