Al shabaab oo soo bandhigtay askari ka tirsan ciidamada ATMIS kaas oo fariin u diray dalkiisa

Al Alshabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal ku saabsan askari ka tirsan ciidamada howlgalka ATMIS, kaas oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Uganda, askarigaan ayaa soo jeediyay fariin ku socotay madaxda dalkiisa.

Waxaa uu ugu baaqay in laga qeyb qaadato sii deyntiisa, wadahadalna lala ururka Al shabaab oo gacanta ku haya, muuqaalkiisa ayaa lagu faafiyay warbaahinta bulshada kaas oo dhaliyay hadal heyn badan.

Alshabaab ayaa askarigan ku qabtay weerarkii bishii may ee sanadkaan ay ku qaadeen magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo uu weerar xooggan uu ka dhacay, kaas oo sababay khasaaro xooggan oo soo gaaray ciidamada ATMIS.

Al shabaab ayaa faafisay macluumaadka askarigaan kaas oo lagu magacaabo Pow Sergeant M. William, waana 48 jir ciidamada Uganda ku biiray sannadkii 1997, balse 26 May ee sannadkaan ayaa lagu qabtay  weerarkii Buula-mareer.

Askarigaan ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan maxaabiis kale oo u dashay dalkiisa Uganda, isla markaan Al shabaab ay gacanta ku hayaan, waxaa ka codsaday dowladda in ay raadis xal walbe oo lagu soo deyn, asaga oo fariin culus u diray madaxda dalkiisa.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed