Al-shabaab oo Lagu Eedeyay in ay Gubeen Guryo Dad Shacab ah ay Leeyihiin.

Maamulka degmad Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Xuno katirsan Al shabaab ay dab qabadsiiyeen guryo dad shacab ah ah lahaayeen kuwaas oo ku yaal deegaano dhaca koofurta gobolka Mudug.

Saraakiil iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada baxdo ayaa hoosta ka xariiqay in deegaanka Huldooyaale  lagu gubay guryo dhowr ah waxanaa ka dhashay khasaaro hanti oo badan oo kala duwan sida ay muujinayaan Sawiro laga soo qaaday deegaanka lagu eedeyay in ay Al Shabaab.

Masuuliyiinta ayaa xusay in Maleeshiyaad ah ay soo adeegsadeen in ay  falkaan ka dambeeyeen kuwaas oo doonaya in ay iska horkeenaan dadka shacabka ah, sidoo kalana ah cuuryaamiyaan dagaalka lagu haayo Kooxda AS.

HBN ma xaqiijin karto eedeeynya loo jeediyay Al shabaab ee ku aadan in ay ka dambeeyeen guryaha la gubay ee lagu faafiyay baraha Internet-ka.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed