Al-Shabaab oo lagu eedeeyay in ay hurinayaan dagaal beeleedyo ka dhacay qaar kamid ah gobollada dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab in ay hurinayaan dagaal beeleedyo ka dhacay deegaano dhowr ah oo ka tirsan dalka.

Sida uu sheegay Wasiirka , Al shabaab ayaa dhaqaale badan ku bixinaysa hurinta colaadaha ka taagan deegaanada laga saaray, iyagoo doonaya inay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka weeciyaan howlgallada ciidan ee ka dhanka ah iyaga.

Wuxuu digniin u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay ka feejignaadaan colaadaha ay Al-Shabaab ka dhex hurinayaan beelaha walaalaha ah.

Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay ay dagaallo culus ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe. Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay dagaaladii hore sida ay sheegeen dadka deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed