Al shabaab oo laga saaray Ceelgaras & Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo ku dhintay dagaalkaas

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa si buuxdo ula wareegay Magaalada Ceelgaras ee Gobalka Galguduud, halkaas laga saaray dagaalamayaasha Al shabaab oo gacanta ku hayay.

“Ciidamada Qaranka ayaa ka wada Magaaladaas hawlgal sifayn ah.
Khawaarijta ayaa isaga carartay magaalada markii ay hareereeyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Difaaca Shacabka” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda faah faahin rasmi ah lagama helin khasaaraha ka dashay dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa deegaanka iyo ururka Al shabaab, balse goobjoogayal ayaa sheegay in halkaas ay ku dhinteen Xildhibaan tirsanaa barlamaanka  Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud iyo Cabdullaahi Ibaraahim oo ka mid ahaa golaha deegaanka Dhuusamareeb, waxaa la sheegay in miino la kacday gaari ay saarnaayeen labada Xildhibaan oo Al shabaab goobta galiyeen.

Si kastaba, gobolka Galgaduud waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al shabaab, waxana ka dahalanayay khasaaro xooggan oo iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

HBN NEWS DESK

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed