Al Shabaab oo la wareegay mid ka mid ah deegaannadii horey looga qabsaday

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa hawgal Al Shabaab saaka dib ugu qabsadeen deegaanka deegaanka Daaru-Nimca oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellada dhexe, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareed kala duwan.

Deegaankan oo ka mid ah ahaa deegaamadii horey looga qabsaday Al Shabaab ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo Macawisley iyo kuwa dawlada federaalka isugu jira oo aan badnayn, waxaana la sheegay in halkaasi ka baxeen ka dib markii ay ka warheleen weerarka Al Shabaab ku soo qaadayso deegaankaasi.

Iska horimaad aan xoogganayn ayaa ka dhacaygoobtaasi, waxaana Al Shabaab ay ku sheegteen bayaan ay soo saareen inay ku qabsadeen Daaru-Nimca.

Wararka aynu helayno ayaa sheegaya in Al Shabaab ay gubeen ceelkii biyaha, Masaajiidkii iyo waliba guryo la sheegay inay lahaayeen ciidamada Macawisleyda ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dawlada federaalka iyo maamulka Hirshabelle oo ku aadan xaaladda ka taagan Daaru-Nimca.

 Warqabadka HBN Online.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed