Al-Shabaab oo ka hortimid kaamirooyinka ammaanka ee dowladdu amartay in lagu xiro goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho

Dagaalyahannada Al shabaab ayaa beegsanaya kaamirooyinka loo yaqaan CCTV-ga ee lagu xiro goobaha ganacsiga kaddib amar ka soo baxay he’adaha ammaanka xukuumada Soomaaliya, arrintaas ayaa saameyn tabban waxay ku yeelatay ganacstada Soomaaliyeed oo xilligaan la kulmaya culus badan.

Qaraxyo ayaa lala xiriirinayay Al-Shabaab ayaa dhowr lala beegsaday goobo ganacsi kadib markii ay ku hanjabeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan xarumaha ganacsiga ee u hogaansama amarka dowladda ee ah in lagu rakibo Kaamirooyinka CCTV-ga.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ganacsatada Magaalada Muqdisho waxa ay Hay’adda NISA cadaadis ku saartay Xarumihooda aya ku rakibaan CCTV-ga si gaar ah  Albaabada, iyadoo dhanka kale Al-Shabaab ay soo saartay digniin adag, oo ka dhan ah tallabadaas.

Arintan ayaa keentay in la xiro qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga, iyagoo ku doodaya in amarka NISA uu aad ugu adag yahay in ay fuliyaan cabsi laga qabo naftooda, maadaama Al-Shabaab ay u hanjabeen.

Al-Shabaab ayaa si cad u sheegay in ay beegsanayaan cid kasta oo fulinaysa amarka dowladda ee ah in xarumahooda ganacsi lagu xiro kaamirooyinka ammaanka.

Kaamirooyinka CCTV ayaa loogu talagalay in lagu duubo dhacdooyinka ka dhaca dhammaan waddooyinka iyo albaabada ganacsi ee magaalada Muqdisho xilli ay hoos u dhaceen weerarada qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Al-Shabaab.

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa caasimadda ku rakibtay kaamirooyinka CCTV-ga cusub si ay uga hortagaan weerarada. Dhowr kamaradood ayaa horay waxaa u qarxiyay Al-Shabaab, iyagoo isticmaalaya walxaha qarxa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed