Al shabaab oo burburiyey ceel biyoodkii ugu weyn deegaanka Ceel-Garas ee gobolka Galgaduud

Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay burburiyeen Ceelkii ugu weynaa ee ku yaallay deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay qarax ku xireen ka hor inta aysan la wareegin ciidamada dowladda isbuucaan.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Al shabaab ay miinooyin ku xireen guud ahaan deegaanka oo uu ka mid yahay ceel biyood ugu weynaa. Sidoo kale, Galmudug waxaa sheegtay kooxdu gubeen Booyad biyu u waday dadka deegaanka.

Ilaa iyo hadda faah faahin lagama bixin dheeraad ah, balse hal qof ayaa ku dhaawacmay oo miyiga uga yimid in uu biyo ka qaato ceelka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war kooban ka soo saartay xoreynta deegaanka Ceel-garas oo ay ciidamadu ka qabsadeen Al shabaab waxaa ay sheegeen in meelo badan oo kamid Ceel-garas lagu xiray miinoooyin badan oo ay ka fureen ciidamada miina baariska dowladda.

Si kastaba Al shabaab ayaa badanaa miinooyin kaga tago deegaannada ay ka baxayaan, taas oo sababta in waxyeelo ka soo gaarto ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah, iyada oo burbur xooggan uu soo gaaro goobaha ay ku xiraan miinooyinka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed