Al Shabaab oo Dal-dalaad ku Dishay 5 Ruux.

Wararka ka imanaya magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Ururka Al shabaab ay dal-daleen  ilaa ruux kuwaas oo ay ku eedeysay in ay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka sida ay shaaciyeen.

Goob fagaaro ah oo ku taal magaalada Bu’aale ayuu k dhacay xukunkaan dal-dalaada ah,  halkaaa oo ay iskugu yimaadeen dad badan oo ka soo qeyb galay halkii lagu dilay 5 ruux, dilkaan ay fulisay Kooxda Al shabaab.

Qoraal Al shabaab ku faafiyeen barahooda xiriirka bulshada iyo warbaahintooda ayey ku ku sheegeen liiska Ragga ay dilee, kuwaas oo u badnaa kuwa dhex dhexaad ah marka la eego da’ ahaan, iyaga oo warbixinta ku lifaaqay in  ay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka.

Waa kuwaan Liiska magacyada ay faafisay Al shabaab, ragga ay dileen iyo shaqooyinka ay ku eedeysay.

  1. Cabdillaahi Axmed Maxamuud (Shaadeel) oo 41 sano jir ah.
  2. Maxamed Ibraahim Coloow (Max’med Coloow) 41 sana jira ah – wuxuu ushaqeynayay Mareykanka, wuxuuna dilay C/qaadir Kumaandoos.
  3. Cabdiraxmaan Tifoow Cabdiraxmaan (Sanqool) oo 67 sano jir ah – wuxuu ushaqeynayay sirdoonka DF-ka
  4. Siyaad Maxamed Kaahiye (dhegaweyne) 49 jir ah – wuxuu ushaqeynayay sirdoonka Mareykanka.
  5. Maxamed Maxamuud Coloow 51 sano jir ah – wuxuu ushaqeynayay sirdoonka DG Jubbaland.

Si kastaba Al shabaab dhowr jeer oo hore dil ku fuliyay  Rag badan  oo ku sheegeen in ay u shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu dilay deegaannada ay maamulaan, waxan uga dambeysay magaalada Jilib oo ay sidaan oo kale goon fagaaro ah toogasho ku fuliyeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed