Al-Shabaab oo dad isku qoys ah ku dilay deegaan ku yaal gobolka Galgaduud

Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay ayaa dhintay kadib markii kooxda Al-Shabaab ay qarxiyeen guri ay ka deganaayeen deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab waxaana sidoo kale ay miinooyin ku xireen guryaha qaar ee deegankaas, oo ay isku hayaan ciidaanka dowladda iyo dagaalamayaasha oo doonaya in ay iska difaacaan howlgallada.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso oo galaaftay nolosha saddex ruux oo rayid ah  maanta ka dhacay degmooyinka degmadaas. Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaasi oo si murugo leh naftooda ugu waayay qaraxaasi, deegaanka ayaa aad looga hadal hayaa dhacdadaas.

Qaraxa ayaa dhacay duhurnimadii maanta, markii qoyska ay dib ugu laabteen gurigooda, iyaga oo ay xalay ku hoyday xero ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah. Sidoo kale labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, kuwaas oo loo gurmaday loona qaaday goobaha caafimaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxaaan oo ay ku tilmaantay mid argagaxiso, waxaana ay wacad ku martay inay sii wadi doonto weerarada ka dhanka ah dagaalamayaasha inta laga ciribtirayo. Dowladda ayaa sidoo kale dadka deegaanka ku boorisay in ay ka digtoonaadaan oo ay kusoo wargeliyaan ciidamada ammaanka wixii ay ka shakiyaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed