Al-Qaacida iyo Daacish taageerayaashooda uga baaqay in ay ka qeyb qaataan duqeynta ka dhanka ah Israa’iil

Al-Qaacida iyo Daacish (IS) ayaa ugu baaqay taageerayaashooda inay duqeyaan bartilmaameedyada Israel iyo Mareykanka iyo , taasoo sare u qaadeysa rajada weeraro  cusub oo ka dhaca Bariga Dhexe iyo reer Galbeedka.

Warbixino xiriir ah oo ay soo saareen labadii toddobaad ee la soo dhaafay, ayaa xulafada al-Qaacida waxay Hamas ugu hambalyeeyeen “duulaanka Israa’iil”, iyaga oo tixraacaya weerarradii a lagu dilay 1,400 oo qof, oo u badnaa rayid, 7-dii Oktoobar ee u dhashay maamullka Talaabiib.

Duulaanka ciidamada Israel ee Gaza, oo sababay masiibo bini’aadantinimo oo ilaa hadda ay ku dhinteen in ka badan 4,500 oo qof, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka ee dhulka ay Xamaas maamusho, waxa uu caro ka dhaliyay guud ahaan caalamka Islaamka, oo si weyn loogu bannaan baxay.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed