Al-Cadaala ” Al-shabaab 150 Dagaal-yahan ayan Ka Dilnay Dagaalkii Masagawaay”.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdirxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa ka hadlay weerarkii Masagawaay ee Galmudug halkaas oo toddobaadkii hore ay ku dagaalameen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, dagaalkaas ayaa dhaliyay khasaaro xooggan oo soo gaaray labada dhinac, wararkii hor dhaca ahay ee dagaalka laga helay ayaa sheegayay in Ciidanka dowladda looga dilay Askar badan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in gadiid iyo saannad ciidan oo badan laga qabsaday Ciidanka dowladda Soomaaliya, iyada dhanka kale Al-shabaab ay sheegteen in khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah ay u geysteen dowladda.

Balse Al-cadaala ayaa beeniyay inay Alshabaab hub iyo gaadiid dagaal kaga furteen ciidanka dowladda weerarkii dhawaan ka dhacay degaanka Masagaa ee gobolka Galgaduud, xilli uu la hadlaayay Warbaahinata gudaha.

Wasiir Alcaddaala ayaa carabka ku dhuftay in hubkii iyo gaadiidka Al shabaab soo bandhigeen uu ahay mid been abuur ah oo lagu marin habaabinaayay Shacabka, balse waxaa uu sheegay in  waxyaabaha ay soo bandhigeen kooxdu ay yihiin kuwa mar hore ay qabsadeen.

Alcaddaala ayaa hoostaka xariiqay in tirada ciidamada dowladda looga dilay weerarka Masagawaa inay yihiin 9 askari, halka  in Alshabaab looga dilay 150 dagaalame.
HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed