Ajaanib maanta markii labaad la hor geeyay Maxkamad ku taal magaalada Muqdisho

Eedeysanayaal Ajaanib ah oo loo heysto  kaluumeeysi sharci darro ah ayaa maanta la la horgeeyay maxkamad ku taal magalaada Muqdisho, Ciidamada badda Soomaaliya ayaa horay u soo qabtay, markii labaad ayana dacwadooda lageeyay maxkamadda.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa  u fariisatay Dhageysiga dacwad loo haysto 36 Eedeysane oo Ajaanib ah ku waa oo hore xukun ugu riday  Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo Eedeysanayasha loo haysto in ay sifo sharci darro ah uga kalluumaysteen xeebaha Soomaaliya.

Ajaanibtaan ayaa ayaa ka soo jeedo dalalka Pakistan iuo Iran, waxana horay loogu riday xukun, balse Qareennada u doodayay ayaa ka keenay racfaan, kuwaas oo sheegay in soo bandhigi doonaan caddeymo ay ku difaacayaan eedeeysana-yaashaan.

Xeer ilaaliye ku-xigeen guud ee Maxkamadda Racfaanka  Yaxye Maxamuud Saciid ayaa Maxkamada Racfaanka ka hor sheegay in ay Maxkamadda Hor keenayaa dhammaan Cadaymaha lagu hayo Eedaysaneyaashan.

Eedaysaneyaashan ayaa waxa gacanta ku soo dhigay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Dowladda Soomaalita xili ay sifo sharci darro ah ugu soo xadgudbeen Biyaha Badda Soomaaliya.

Qaarkood oo maxkamadda ka hadlay ayaa sheegay in aysan awooodin bixinta 11 kun oo dollar oo calaa qof loogu xakumay, waxay intaas ku direen in aysan awooddin lacagataas haddii ay xitaab xirnaadaan muddo dhan 100 sanno.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed