Agaasimaha NISA oo ka jawaabaya amar ay soo saareen oo Al shabaab ka hortimid oo maanta tagay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta oo Khamiis ah kormeer ku tagey Suuqa ugu weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, si uu uga jawaabo hanjabaado maalmihii la soo dhaafay ka soo yeeray Ururka Al Shabaab, oo ay la eegteen goobo ganacsi oo ay ku xiran yihiin kaamirooyinka ammaanka, lagu xiray xarumo ganacsi.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda , Agaasimaha oo ay wehliyaan Taliyayaasha kale ee Hay’adaha amaanka ayaa qiimeyn ku sameeyay dhaqan galka awaamiirta NISA ee ku aadan in dhamaan ganacsatada ay xiraan Kaamirooyinka CCTV, si kor loogu qaado ilaalinta dadka iyo hantidooda.

Waxa uu u xaqiijiyay in bilaha soo socda ay sii xoogeysan doonaan dadaalada lagu ciribtirayo  Al-Shabaab ee ku sugan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaa uu intaas raaciyay in ganacsatadu ay la shaqeyaan laamaha ammaanka, kaamooriyinka CCTV ay muhiim u yihiin ammaanka magaaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ganacsiga ee suuqa Bakaaraha.

Maalin un ka hor inta uusan kormeerka Mahad Salaad, ayaa Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen goob ganacsi oo baabuurta lagu iibiyo oo ku taalla xaafadda Black Sea ee degmada Hodan.

Maamulka ayaa rumeysan in qaraxan uu si toos ah uga jawaabay amarkii NISA ee ahaa in xarumaha ganacsiga ee wadada Black Sea lagu rakibo kaamirooyinka wax lagu ilaaliyo.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay doonayaan in ay beegsadaan goobaha ganacsiga ee u hoggaansamaya tallaabooyinka amniga ee dowladda. Kaamirooyinka la rakibay waxaa loogu talagalay in lagu sameeyo ilaalo muhiim ah meelaha muhiimka ah, iyaga oo ka caawinaya dawladda ururinta macluumaadka muhiimka ah iyo caddaymaha.

 HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed