Agaasimaha Hay’adda CIA-da Mareykanka oo booqasho aanan la shaacin ku yimid Soomaaliya isla markaana la kulmay madaxweyne Xasan sheekh

Agaasimaha Hay’adda CIA-da iyo Diblomaasi Mareykan ah William Burns, ayaa booqasho aan la shaacin Arbacadii shalay ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna la kulmay Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay sheegayaan wararka William Burns ayaa sidoo kale la kulmay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Salaad. Ilo-wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay tilmaameen inuu Madaxweynaha Somalia kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Heshiiskii Sharci-darrada ahaa ee dhawaan dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland.

Heshiisku waxa uu ku saabsan yahay in Somaliland ay Itoobiya ka kirayso 20km oo ka mid ah xeebaheeda. Heshiiskan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo iyo cambaareyn dalal dhowr ah.

Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, iskaashiga, la dagaalanka argagixisada, iyo horumarka gobolka.

Aqalka Cad ayaa Talaadadii tilmaamay in uu ka soo horjeedo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland oo sheegatay in ay  ka go’day  Soomaaliya, iyadoo walaac laga muujiyay in heshiiska uu horseedi karo xasillooni darro iyo in la carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed