Afar ruux oo Suuriyaan ah oo lagu xiray Puntland isla markaana lagu eedeeyay xatooyo baahsan oo ay ka geysteen Muqdisho

Howlgallo deg deg ah oo ay sameeyeen ciidamada Booliska Puntland ayaa lagu soo qabtay afar ruux oo u dhashay dalka Suuriya, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay Muqdisho ka xadeen Dahab dhan 940 gram, kadibna ay goobta ka baxsadeen. Dadka la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Cabdalla Axmed Almuxamed, Jamiila Qasi Yuusuf, Cabdalla Cabdalla Axmed, iyo Malay Cabdalla Axmed.

Xarigan ayaa ka dhacay magaalada Qardho subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah, Eedeysanayaasha oo la sheegay inay la baxsadeen dahab aad u badan, ayaa waxaa ku daba-tagay Ciidamada Booliska Puntland oo gacanta ku soo dhigay.

Weli waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen falkan dahabka ah, iyadoo maamulka uusan weli faah faahin ka bixin qaabka ay shaqsiyaadkan uga soo baxsadeen magaalada Muqdisho iyo waxa ku kalifay in ay aadaan magaalada Qardho. Xarigga lagu guuleystay, ayay ilo-wareedyo dowladdu sheegeen in ay sabab u ahayd  waxtarka dadaallada sharci-fulinta Puntland ee la tacaalidda dambiyada caalamiga ah.

Suuriyaanka la xiray ayaa la filayaa in lagu soo oogo dacwado dhanka sharciga ah oo la xiriira xatooyada, waxaana maamulka dalkaasi ay ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen heerka ay gaarsiisan tahay ku lug lahaanshaha dambiga lagu eedeeyay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed