Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Q (NISA) ee Soomaaliya, ayaa waxay ka warbixisay hawl-gal ka dhacay Degmada Afgooye, oo lagu guuleystay, isla-markaana ay Ciidamada Nabad Suggida ku joojiyeen saddex gaari oo siday agabka Electarooniga ah.
Howlgalka ayaa lagu soo qabtay 8-ruux oo uu ku jiro nin u dhashay dalka Uganda, kuwaasi oo la sheegay in ay ku sii jeedeen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay in Al shabaab ay doonayeen in qalabkan elegtarooniga ah ay u adeegsadaan weerarada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada ammaanka.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii xoogaysanayso dadaallada joogtada ah ee ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay u carqaladeeyaan taageerada saadka iyo isku xirka shabakadaha isgaarsiinta ee Al-Shabaab, taas oo qayb ka qaadanaysa tallaabooyinka ballaaran ee looga hortagayo awoodda Al shabaan.
Ciidamada ayaa la filayaa in ay baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan si loo ogaado sababta iyo xiriirka kala dhexeeyo Al shabaan dadka laga soo qabtay degmada Afgooye.