Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Villa Soomaaliya kula kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al Rumaithi.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sahmin lahaa fursadaha iskaashi ee faa’iido u leh labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka taageerada kala duwan ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Danjire Al Rumaithi ayaa bogaadiyay horumarka baaxadda leh ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyadoo dalku uu u socdo mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Imaaraadka ay ka go’an tahay inay taageeraan hadafkan, iyadoo la waafajinayo qaab dhismeedka mudnaanta leh ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed