Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaraadka Jubaland oo yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay dagaalka Al shabaab

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa kulan muhiim ah la yeeshay siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulkaasi, iyaga oo kawada hadalo miro dhal ah oo khuseeya danaha guud ee Jubaland sidii loo hormarin guud ahaan, iyada oo xoogga la saarayo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab in loo midoobo, lagana xorreyo deegaannada ay ka heystaan maamulkaas.

“Madaxweynaha Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada shacabka reer Jubaland isla markana si wadajir ah looga wada qaybgali lahaa howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland iyo xaalada guud ee Siyaasada” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen.

Maamulka Jubaland ayaa kamid ah deegaannada ugu badan ee uruka Al shabaab ay ka maamulaan Soomaaliya, waxana lagu wadaa in wajiga labaad ay ka bilaawdaan howgaladda dolwadda Soomaaliya, markii ay soo dhammaadaan howlgalladda kale ee ka socdo maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug

Kulankaan mid ka horreyay ayey yeeshaan kaas oo lagu go’aamiyay in laga shaqeeyo danta guud maaddaama dalka ay ka socdaan dagaallo lagu ciribtiraayo jiritaanka dagaalyahannada Al shabaab.

HBN NEWD DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed