ATMIS oo waddo qorshaha hannaanka dhimista ciidamadeeda Soomaaliya wajiga labaad

ATMIS ayaa diyaarineysto dhimista wajiga labaad ciidankeeda ka joogo Soomaaliya, bisha soo aaddan September ayey qorsheynayaan in ay banneyaan saldhigyo hor leh oo ay gacnta kuy hayaan, kuwaas oo lagu wareejin doono ciidamada xoogga Soomaaliya, Saraakiil ka socotay Ciidamada Midawga Afrika ayaa tagay maamulka Koofur Galbeed Soomaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa ku bogaadiyay in ATMIS Ciidamada wadashaqeynta dhow ay la leeyihiin qeybaha muhiimka ah ee maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, Maamulka Gobolka, Qaramada Midoobay la-hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah.

Amb. Souef ayaa hadalkan ka sheegay safar ay si wadajir ah isaga iyo Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ay ku tageen magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Xasan C/qaadir Maxamed ayaa uga mahad celiyay ATMIS iyo UN-ka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin geeddi socodka nabadda iyo amniga ee ay hormuudka ka tahay dowladda Soomaaliya.

Booqashadan wadajirka ah ee ay ku tageen magaalada Baydhaba ayaa daba socotay booqasho tan la mid ah oo ay ku tageen magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, kulamadaan ayaa loogu diyaar garoobayaa in lagu dhimayo 3,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS dhamaadka bisha September ee soo aaddan.

Wajigii koowaad ee bishii June 2023, ATMIS waxa ay ku guuleysatay in ay Soomaaliya ka saarto 2,000 oo askari, iyaga oo ku wareejisay lix saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya, si lamid ah hadda waxaa la diyaariyay saldhigyo kale oo lagu wado in markale ay ka howlgalaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed