Madaxweyne Muuse Biixi oo xarigga ka jaray dekad caalami ah magaalada Berbara

Madaxweynaha Somaliland ayaa xariga ka jaray dekadda cusub oo laga hirgaliyay  magaalada Berbara, oo ay ku rakiban yihiin dhuumo casri ah oo ku shubaya haamaha keydka shidaalka.

Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay dekeddan xarig jarkeeda la dhammaystiray, isaga oo ammaanay, sida aqoonta loogu dabbaqay, taas kaalin oo mug leh ka qaadanaysa, maraakiibta shidaalka in si fudud ay ugu shubaan  haamaha keydka Berbera.

Dekeddan maanta xarigga laga jaray, ayuu madaxweynuhu ku sifeeyey mid Somaliland wax weyn ka beddeli doonta dhaqaaalo ahaan muddo dheerna ay ka fikirayeen , dadkuna ay wax badan ka faa’iidi doonaan, isaga oo intaas raaciyay in cid kasta oo rabta inay shidaal iyo Gaas kasoo dejiso dekedda ay soo dhaweynayaan, loona siman yahay isticmaalkeeda.

Muuse Biixi ayaa soo kormeeray goobaha lagu rakibay dhuumaha shidaalka iyo gaaska kuwaas oo  soo dhex maraya badda gudaheeda, waxana uu boggaadin u jeediyay shirkadda mashruucan hirgelisay iyo  dadkii kala shaqeyay, waxaa uu ku faanay in dekad caalami ah oo loogu talagalay  shidaalka iyo Gaaska lagu guuleystay.

Waxaa sidoo kale  halkaas hadallo ka jeediyey masuuliyiinta mashruucan dekedda gacanta ku haysay, kuwaas oo sheegay in ay galiyeen juhdi badan, Somaliland ay u baahneed dekad nuucan oo kala ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed