Howgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay Shabeelada Hoose

Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ayaa ciidanka dowladda ku fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose,  ciimadaan oo wato gaadiid dagaal oo culus ayaa sameyay baaritaanno kala duwan ku saabsan ammaanka goobaha ay tageen.

Deegaannadaas waxaa kamid ah, Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo, waxaana lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Ururka Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciimadu ay burburiyeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaannadaas,  Saraakiisha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaan Ururka looga saarayo gobolka.

48 saac ee la soo dhaafay ciidamada Soomaaliya, ayaa sameeyay howgallo xooggan oo dhan ah dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, iyaga oo shalay gacanta ku dhigay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxayna ku duleen 40 dagaal yahan oo Al shabaab ka tirsanaa.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed