Waxaa la soo gabagabeyay Shir dalka Jabuuti uga socday Uruur goboleeda IGAD, shirkaas ayaa si rasmi ah loo soo gunaanaday, iyada diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah.
Madaxda ka qeyb gashay shirka ayaa intii uu shirka Socday isla gartay qodobo kala duwan oo taabanaya xaaladda Gobolka, waxana kamid ah xal u helida colaada ka taagan dalka suudaan, dagaalka Al-shabaab oo ay waddo dowladda Soomaaliya, bixitaanka Ciimada ATMIS ee ka howgalla Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Mu Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb gelay Shir, iyada Madaxweynaha oo halkaasi kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, taageerana weydiistay Maxadii halkaasi timid.
Madaxweyne Xasan sheikh iyo Wafdigiisa ay ku soo bandhigeen shirka doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD.
Hoggaamiyaasha ayaa isla qaatay mideynta dadaallada heer gobol ee ciribrirka waxa loogu yeero argagixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.
HBN NEWS DESK