Guddiga Komishinka Dorashooyinka Somaliland oo Shaaciyay Xilliga ay Bilaabayaan Kaararka Cod Bixinta

Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay xilliga ay bilaabineyso bixinta kaararka Cod bixinta, kulan ay isku yimadeen  xubnaha guddiga ayaa lagu faah faahiyay sida loo qaadanayo kaararka,  iyaga oo fariin u diray shacabka in ay diyaar garoobaan oo ay qaataan kaararka codbixinta.
Guddoomiyaha Guddiga Komoshinka  Doorashooyinka Somaliland  Muuse Xaaji yuusuf aya sheegay in maalinta Arbacada Soo aadan 31 bishaan May in ay bilaaban doonto, muddad kaar qeybta ayaa noqoneyso 10 maalmood gobol walbe oo ay diinwaan galintu ka dhacday.
Barnaamijka  kaar qeyybinta ayaa loo qorsheeyay ilaa qeyboo kala ah:
Barnaamijka 1aad ee kaararka ayaa ku fuli doono Ilaa seddex gobol oo kala ah Gobola Awdal, Gobolka Saaxil iyo Gobolka Sanaag. Barnaamijka -2aad ee kaar qeybnta ayaa laga fuli doonaan gobolada kala ah: Maroodi jeex, Togdheer, iyo Sool.
Si kastaba, doorashooyinka Soomaailand oo muddo dib u dhacay ayaa dib u bilaaban iyada oo dhowr jeer khilaaf xooggan uu dhexmaray Muuse Biixi iyo Mucaaradka, halka beesha caalamkana ay soo saartay baaqyo ku aadan in la qabto doorashooyinka.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed