Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo khudbad uu ka jeediyay wuxuu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka doorashooyinka iyo xiriirka maamulkiisa kala dhexeeya madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.
Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay mareyso sida uu hadalka u dhigay marxalad adag oo u baahan in si dhab ah looga tashado, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu marar badan beddelo mowqifkiisa siyaasadeed, taas oo uu ku dooday inay dalka ku sii kordhinayso hubanti la’aan.
“Xaaladda Soomaaliya waa khatar muddo hore aan ka digaynay, haddana waxay u muuqataa inay meelo adag sii galayso,” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Sidoo kale, Saciid Deni ayaa sheegay in maamulkiisu ixtiraamayo heshiisyada uu la galay dhinacyada maalgashiga ku sameeyey deegaanada maamulkiisa ee shisheeye iyo kuwa Soomaaliya, isla markaana uusan burin doonin heshiisyadii ay galeen madaxdii ka horreysay.
“Waxaan ixtiraamaynaa cidkastoo aan heshiis la galnay, cidday doonto ha ahaatee, laakiin cid aan waxba inoo dhibin, nin meel kale joogay si isu qabteen, hadde isagay u taalaa howshaasi. Waxaan adkeyn doonaa heshiisyada aan galnay Soomaali ama Ajnabi ahaato” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Dhanka kale, Deni ayaa ammaanay nabadda Gaalkacyo, isagoo Puntland iyo Galmudug ugu baaqay inay xoojiyaan wada-tashiga iyo xiriirkooda.
“Puntland iyo Galmudug way tashanayaan, waddankana waan meteleynaa oo waan badbaadineynaa,” ayuu yiri.
Hadalka Deni ayaa imaanaya iyada oo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Mucaradka & dowladda uu galay marxalad adag, halka dowlada Soomaaliya ay Imaaraadka Carabta ku eedeysay in sifo ka baxsan sharciga dalka ay heshiisyo ka dhan ah amniga dalka ula gashay maamullo ay ku jirto Puntland.
Hbn Online Tv

