Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaddib markii maalmihii u dambeeyay uu ku jiray xaalad caafimaad. Marxuumka ayaa dhashay 15-kii Juun 1961-kii, wuxuuna muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in marxuumku dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo adeegay xilal kala duwan oo uu ka soo qabtay hay’adaha dowladda iyo heer dowlad-goboleed.
Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa isaguna tacsi ka diray geerida marxuumka, isagoo ku tilmaamay mas’uul door muhiim ah ka qaatay dowlad-dhiska, nabadda Soomaaliya iyo aasaaska dowladnimada Hirshabeelle.
Madaxda iyo mas’uuliyiinta kala duwan ayaa marxuumka ku tilmaamay shaqsi muddo dheer u soo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, kana qayb qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya.
Hbn Online Tv

