Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaacisay qorshe lagu qorayo in ka badan 20,000 oo askari oo cusub, iyadoo dhalinyarada Soomaaliyeed, rag iyo dumarba, loogu baaqay inay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi ayaa intii aan xilka laga qaadin shir jaraa’iid oo uu saaka qabtay wuxuu sheegay in qorista ciidankan ay tahay fursad ay bulshada Soomaaliyeed kaga qayb qaadan karto difaaca dalka.
“Ciidamada Soomaaliya waxay qaadanayaan ciidan ka badan 20-kun. Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ugu yeereynaa rag iyo dumarba in ay ciidankooda qortaan. Dalkan qof aan Soomaali ahayn ma difaaci karo, amnigiisane lama wareegi karo” ayuu yiri wasiir hore Fiqi.
Inta uu ku jiray hadal jeedinta Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ka dhacay gobollada Baay, Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan oo lagu dilay ku dhawaad 300 xubnood iyo horjooge oo Al-Shabaab ka tirsanaa.
“Ciidanka xoogga dalka oo garabka ka helaya saaxiibada caalamka wuxuu howlgalo ka fulieyey qeybo kamid ah gobollada Baay, Shabeelaha hoose iyo Hiiraan. Howlgalladaasi waxaa lagu dilay qiyaastii 285 xubnood iyo 12 Horjooge iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsanaa Alshabaab” Fiqi.
Dhanka kale, wuxuu ka hadlay xaaladda amni ee Hiiraan, isagoo tilmaamay in ciidamadii dhawaan ka baxay furimaha ee lagu arkay magaalada Beledweyne ay dib ugu laabteen goobahoodii shaqo ee qaranka. Wuxuu ku eedeyey inay arrintaasi ka dambeeyeen siyaasiyiin uu ugu yeeray “Calooshood u shaqeystayaal” inay ka shaqeeyeen sidii ciidamada sida uu hadalka u dhigay looga horkeeni lahaa dowlada.
“Marna lagama yaabo Askari ciidanka qaranka ah inuu kala soo safto dalkiisa cadowgiisa, laakiin kuwo badan oo waxaa jira Shisheeyaha u shaqeeya ama kuwo badan oo calooshood u shaqeystayaal ah oo dhiirigalinayey maalmahaan oo dhan ciidaanka qaranku inay diidaan awaamiirta dowlada oo ay gadoodaan, Xitaa kuwii Bedelweyne yimid, dibbey ugu laabteen furimahoodii. kuwaas (Siyaasiiyiinta) waxay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Shirkaasi jaraa’id ka dib Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday Axmed Macallin Fiqi, waxaana lagu beddelay Saadaq Cumar Maxamed (Joon), iyadoo isbeddelka lagu saleeyay habka awood-qaybsiga hay’addaha dowladad Federaalka ee 4.5 oo saameyn ku yeelanaya dolwada iyo maamul goboleedyada, maadaama sida xoguhu sheegayaan ay isku hayb yihiin Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug.
HBN Online TV

