Golaha Siyaasiyiinta Puntland oo taageeray tilaabada xildhibaannadu ku horistaageen isku daygii wax-ka-beddelka dastuurka maamulkaasi

Golaha Siyaasiyiinta Puntland ayaa sheegay in Dastuurka rasmiga ah ee Puntland uu yahay kii 2012-kii, kaas oo afti dadweyne lagu ansixiyey, iyagoo taageeray go’aankii xildhibaannada ay ku hor istaageen isku daygii wax-ka-beddelka dastuurka.

War saxaafadeed uu golohu soo saaray ayaa ku baaqay in dib-u-eegista dastuurka lagu sameeyo hannaan wada-tashi oo loo dhan yahay, kaas oo ay ka qayb qaataan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Baarlamanka Puntland ayaa diiday Wax-ka-beddelka Dastuurka maamulkaasi, iyada oo mudanayaashu ay ganafka ku dhufteen wax-ka-beddelkan oo la tilmaamay inuu muhiim u ahaa geeddi-socodka doorashooyinka qof & cod oo ay Madaxtootadu doonaysay in lagu galo hannaan Baarlamaani ah.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed