Ciidanka Danab ayaa xaqiijiyey in Alshabaab kala wareegeen deegaanada Leego iyo Jameeco

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen aagga u dhexeeya deegaanada Leego iyo Jameeco oo dhaca inta u dhexeysa gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay kula wareegeen gacan ku haynta labada deegaan.

Howlgalka ayaa lagu burburiyey sida la tilmaamay difacyo iyo fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo ay u adeegsan jireen sida hadalka loo dhigay gabbaad iyo difaac ay kaga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda.

Ciidanka Danab ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna burburinayo goobaha ay ka abaabulaan falalka loogu yeero kuwo amni-darrada.

Sidoo kale, ciidanka ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolada Baay iyo Shabeellaha Hoose, iyagoo adkeeyay inay ka go’an tahay gudashada waajibaadkooda qaran.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed